Madaxweyne Siilaanyo muxuu kala soo laabtay socdaalkiisii Addis Ababa ee ka qaybgalka aaskii Meles Zenawi, muxuuse ka yidhi xidhiidhka mustaqbalka ee labada dhinac? (Daawo Sawirada)
Hargeysa 4, Sept. 2012 (SDN)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa galabta ku soo laabtay caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu ka qaybgalay aaska Raysal-wasaarihii hore ee Itoobiya Meles Zenawi. Madaxweyne Siilaanyo oo ay weheliyeen wasiiradiisa Khaarajiga, Madaxtooyada iyo marwadiisu, waxa uu galabta ka soo degay madaarka caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu doraad…
