|

Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland oo maanta soo gabo gabeeyay kulan hawleed lagaga lagaga hadlayay Waxqabadka Wasaarada Caafimaadka

Hargaysa 21.Dec (SDN)Wasiirka  Wasaarada Caafimaadka ee Somaliland Dr Xuseen Maxamud Maxamed Xuseen Xoog ayaa soo gabo gabeeyay kulan hawleed lagaga lagaga hadlayay Waxqabadka Wasaarada Caafimaadka iyo Hay’ada Health and Limited,ka fuliyeen Gobolada dalka, Kaas oo mudo laba Cisho ah ka socday Huteel Maansoor.

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka  oo madashaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in kulankan dib loogu eegayay Waxqabadka ay ka wada shaqeeyaan Wasaarada Caafimaadka iyo Hay’ada Health And Limited,kuwaas oo ka socda sida uu xusay Gobolada Maroodi jeex iyo Saaxil,Wasiirku Waxa uu ka dalbaday bulshada ku nool Gobolada Maroodi Jeex iyo Saaxil sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen Mashaariicdan gaar ahaan hooyooyinka ku jira xiliga Umusha,oo uu Sheegay inay Todobada Cisho-ba ay ka heli karaan Xarumaha MCH-yada adeega Caafimaad ee ay u  baahan yihiin.

Geesta kale Marwo Shugri Xariir Ismaaciil oo ku hadlaysay Magaca Hay’ada Health And Limited ayaa sheegtay in hay’adani ay Somaliland ka fuliso mashaariic waxtar leh oo kor loogu qaadayo caafimaadka bulshada , Waxaanay Xustay in Mashaariicdani ay mataano ku yihiin hay’adan iyo Wasaarada Caafimaadka,iyadoo intaas ku dartay in hay’ada Health and Limited ay mashaariicdan ka fuliso 11 xarumaha hooyada iyo dhalaanka oo ku yaal magaalada hargaysa iyo Cisbitaalka Guud,sidoo kalena ay gobolka saaxil ay hawlo adeeg caafimaad ah ka hirgaliyaan.

Shugri Xariir Waxay intaas ku dartay in Wasaarada Caafimaadku ay dadaal badan ugu jirto sidii ay uga midho dhalin lahayd in adeega caafimaadku uu gaadho Guud ahaan deegaamada kala duwan ee wadanka.

SDN-Hargeysa

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed