|

Guddoomiyaha iyo Taliyaha Booliska Sool oo ka warbixiyay Hawlgalo lagu qabtay hub iyo denbiileyaal shalay dhaawacay xildhibaan Taarwale

Laascaanood 21.Dec.2012 (SDN) Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Maxamud Cali Jeeni yare oo uu weheliyo Taliyaha qaybta booliska ee Gobolka Sool Cali Ismaaciil Faarax oo shir jaraa’id maanta ku qabtay Saldhiga dhexe ee Magaalada Laascaanood waxa ay ku soo bandhigeen hub iyo aalado kale oo qarxa, isla markaana cadeeyay inay gacanta ku dhigeen laba qof oo ku eedaysan Fal toogasho ah oo lagu dhaawacay Xildhibaan C,casiis Xuseen Taar wale oo ka mid ah mudanayaasha golaha deegaanka ee Magaalada Laascaanood.

Gudoomiyaha Gobolka Sool Maxamed Maxamud Cali Jeeni yare ayaa u mahadceliyay Ciidamada Amaanka oo ka hawl galay falkii naxariis darada ahaa ee lagu dhaawacay Xildhibaan C.casiis Xuseen Taarwale,waxaanu xusay inay ilaa iminka ku hawlan yihiin baadhista dhacdadan,isagoo sheegay inay sharciga horgayn doonaan eedaysanayaasha ay falkan u hayaan.

Sidoo kale Taliyaha Qaybta booliska ee Gobolka Sool Cali Ismaaciil Faarax ayaa sheegay inuu u mahadcelinayo dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood oo kala qayb qaatay soo qabashada eedaysanayaasha isagoo intaas ku daray inay ku guulaysteen oo kale labadii fal ee kii xalay ka horeeyay isla markaana lagu khaarajiyay laba marxuun oo la kala odhan jiray C.raxmaan Ismaaciil Faarax iyo Axmed Faarax Ilyaas “Axmed Saakin”.

SDN-Laascaanood

contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed