|

Wasiir Samaale oo Waxqabad ku Majeertay Kastamka Kala baydh oo uu sheegay oo ka Kor maray Qorshihii ay markii hore ka rabeen

Hargaysa 01.Dec 2014 (SDN/QJ)- Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Samaale oo hadal ka jeediyey Munaasibad lagu soo gebo-gabeeyey Shir saddex cisho ka socday Gabiley oo lagaga hadlayey qorshaha horumarinta gobolka Gabiley, waxaanu sheegay inuu gobolkaasi yahay gobolka horumarka Somaliland, loona baahan yahay in dedaalka dadkiisu ku jiraan ay intaas ka sii badiyaan.
samaale ok“Waxaan halkan ka sheegayaa oo run ah waxaan ku hayaa warbixinta Kastamka degmada Kala-baydh, ku talo-galka Miisaaniyadda 2014-ku waxay ahayd Boqol iyo Laba Bilyan buu ahaa illaa December, waxaa soo baxay Boqol, Siddeed iyo Soddon Bilyan illaa October, November weli lama galin xisaab-xidhkeedii, December-na way dambaysaa, waxaa dheeraad ku ah ku tala-galka Soddon iyo Siddeed Bilyan, Berberana la isma gaadhin.”Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Maaliyaddu Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa sheegay in ku talo-galkii Miisaaniyadda sannadkan 2014-ka la qorsheeyey inay ka soo baxdo bishii koowaad illaa bisha 12-aad mid ka badani ay ka soo baxday Kastamka degmada Kala-baydh ee gobolka Gabiley iyadoo aanay ku jirin Dakhligan bishan aynu ku jirno iyo bisha soo socota ee sannadkan u dambeeya midkoodna.

Hargaysa SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed