|

“Muddo ayaanu joognay waxaanu ka wada hadalnay sidii aanu uga wada shaqayn lahayn danaha labada dal” Labada Taliye Ciidan ee Qaranka Somaliland Iyo Jabuuti oo Lawyacado Kulan ku Yeeshay DAAWO

Lowyacado 01.Dec 2014 (SDN/QJ)- Taliyaha ciidanka Qaranka Somaliland Gen. Ismaaciil Cismaan Shaqale oo uu weheliyo taliyaha ciidanka qaranka Jabuuti Kornayl Maxamed Jaamac Ducaale, ayaa  wadajir u booqday xadka labada dal ee magaalada Lawyacado.

Badhasaabka Gobolka Selel Cabdirisaaq Waaberi oo warbaahinta la hadlay ayaa soo dhawayn kadib yidhi,

“Waxa soo gaadhay Lawyacaddo taliyaha ciidamada qaranka, isagoo ka soo laabtay socdaal uu ku joogay dalka Jabuuti. Taliye waxaan rajaynayaa inaad wallaaleheen guulo badan isla soo afgarateen.”

Taliyaha ciidanka qaranka Somaliland Sareeye Ismaaciil Cismaan Shaqale ayaa isna shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Lawyacado waxaanuu yidhi,“Taliska guud ee ciidanka Jabuuti muddadii aan halkaas joogay, waxaanu saaxiibaday aanu kala kulanay soo dhawayn wanaagsan. Muddo ayaanu joognay waxaanu ka wada hadalnay sidii aanu uga wada shaqayn lahayn danaha labada dal. Taas oo ay u waynayd sidii aanu u sugi lahayn nabadgelyada. Waxaanu isla meel dhignay in si adag oo walaaltinimo leh gacan bir ah ugu wada qabano wixii nabadgelyada labada dhinac xumaynaya, Waxan ku soo biiray caalamka, weliba geeska afrika nabadgelyadooda xumaynaya.”

Lowyacado SDN/QJ

contact@qurbejoog.com

 

Comments are closed