|

Xasan Sheekh oo kulan laqaatay Dhigiisa Kenya Maxay kawada hadleen (Warsaxaafadeed)

Nairobi Dec 21 2012 (SDN)— Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqashu ku tagay Kenya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta waxeey kulan la yeesheen Madaxweynaha dalka Kenya Mudane Mwai Kibaki.

Wafdiga Madaxweynaha uu hogaaminayo ayaa waxuu ka kooban yahay Wasiiro, Safiiro iyo Diblomaasiyiin. Labada Madaxweyne iyo Wasiiradda labada dal ayaa waxeey galeen kulan uu albaabadda u xirnaa. Kulankaas ayaa waxaa looga hadlay xalaadaha ka taagan Bariga Afrika oo ay ka mid yihiin amniga, qaxootiga, ganacsi iyo burcad badeedka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ku amaanay Madaxweynaha Kenya howlaha oo ka qabtay horumarinta iyo nabadeeynta Bariga Afrika. “ Mudane aragtidada fog, geesinimadaada, waayo aragnimada aad leedahay waxey keyd u tahay nabada, xasilnaanta iyo degenaashada Gobolka waxaana ku rajeynayaa guul” Ugu danbeytii ayaa shirka waxaa kasoo baxay bayaan ay labada dhinac si wada jir ah u soo sareen, loona aqriyay saxaafadda.

Communication Office

Office of the Somali President

Mogadishu, Somalia

SDN-Nairobi

Comments are closed