|

15 Ruux oo Ku Naf Waayay Qarax Xoogan oo Maanta Ka Dhacay Magaaladda Muqdisho SAWIRO

Muqdisho 09. April 2017 (SDN/QJ):- Weerar ismiidaamin ah ah oo galaaftay nolosha dad badan oo shacab ah ayaa goordhaw ka dhacay agagaarka Wasaarada Gaashaandhiga gaar ahaan Ceelka Tus baxle, waxaana qaraxan ka dhashay Khasaaro aad u badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan Ismiidaaminta ah ayaa lala eegtay kolonyo gaadiid ah oo la socday Taliyaha cusub ee ciidanka Milatariga Soomaaliya Maxamed Jimcaale Carfiid, kuwaa oo kasoo baxay xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

Taliyaha ayaa ka bad baaday weerarkan la doonayay in lagu dilo , waxaana waxyeelo xoogan uu weerarkan gaarsiiyay dad shacab ah oo u badnaa kuwa saarnaa gaadiid nuuca dadweynaha oo marayay halka uu qaraxu ka dhacay.

Ku dhawaad 20-qof oo shacab u badan ayaa qaraxan xoogan ku dhintay, dadka dhintay ayaa qaarkood ay adag tahay in la aqoonsado, waxaana laamiga wali yaala hilbaha dadka dhintay oo wali la aqoonsan yahay.

Gudoomiyaha Degmada Dayniile Axmed Nuur Cabdi Siyaad oo ku sugan halka uu qaraxu ka dhacay ayaa noo sheegay in dad badan oo shacab ah ay ku dhinteen qaraxan, waxa uuna xusay in ay wadaan baaritaano ay ku ogaanayaanatirada waxyeelada ka dhalatay qaraxan.

Fiiro Gaar ah : Waxaa nasoo gaaray Sawiro badan oo go’aansanay in aana bulshada usoo bandhigin kuwaa oo dadka qaar ay ku adagtahay in ay arkaan

Comments are closed