|

Weerar loo Adeegsaday Gaadhi oo ka dhacay Magaalada London iyo Xaalad Jahwareer ah oo caawa ka jirta Magaaladaasi

London 04. June 2017 (SDN/QJ):- Wararka Ka Imaanaya Magaalada London ee Dalka Ingriiska ayaa sheegaya in caawa Magaalada ay ka Jirto xaalad jahwareer ah kadib markii Weerar loo adeegsaday Gaari uu ka dhacay Meesha loo yaqaan London Bridge Ama (Buundada London) oo ah meel aad u Mashquul badan oo u dhow xarunta baarlamaanka Dalkas.

Weerarka loo adeegsaday gariga ayaa la sheegayaa in ay ku dhaawacmayn in ka badan 20 qof oo dhamaan lagu sheegay in ay yihiin dad shacab ah oo maryay goobta uu shilka ka dhacay.

 

Ciidamada Booliska Dalka Ingriiska ayaa wali wax war ah kasoo saarin Mashaqada caawa ka dhacday Magaalada London waxayna wararku sheegayaa in uu Weerarkaas ahaa weerar Aragagaxisa ah oo loo adeegsaday gaari van ah .

Dhanka kale waxaa jira Warar shegaya in Weerarka gaariga loo adeegsaday Kadib goobta ka dhacay weerar kale oo loo adeegsaday Tooreey kaasoo ilaa iyo hadda aan la hubin xaqiiqadiisa.

 

Wixii Warar ah ee ku soo kordha Weerarkaan Caawa ka Dhacay Magaalada london kala Soco Wararkayag danbe insha allah

Comments are closed