|

43-Askari Oo Ka Tirsan Ciidanka Itoobiya Ee Soomaaliya Ku Sugan Oo Lagu Dilay Deegaanka Halkan Ee Gobolka Hiiraan

Halkan,9,6,2016 (QJ/SDN) – Dagaalyahano katirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka weerar xoogan oo isugu jira ismiidaamin iyo mid toos ah waxa ay ku qaadeen Xero ay Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Itoobiya ku leeyihiin Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan.

Weerarka ayaa ku bilowday is qarxin waxaana xiligaa kadib bilowday dagaal toos ah oo dhax maray dagaalyahanada Al-Shabaab iyo Ciidamada Itoobiya, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal aad u xoogan oo socday saacado badan.

Diyaaradaha Dagaalka Ciidamada Itoobiya gaar ahaan kuwa Qumaatiga u kaca ayaa lagu soo waramayaa in ay ka qeyb qaateen dagaalka ka dhacay deegaanka Halgan, waxa ayna Diyaardaha dhinaca cirka ay ka duqeeyeen goobaha ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen deegaankaasi.

Dadka ku nool deegaanka Halgan ayaa sheegay in ay maqlayeen hub aad u culus iyo madaafiic labada dhinac ay is dhaafsanayeen, waxaana dagaalkan uu qasaaro aan tiradeeda la ogeyn uu kasoo gaaray dad shacab ah oo kunool deegaanka Halgan.

Afhayeenka Al-Shabaab ee Dhinaca howlgalada Abuu Muscab ayaa Warbaahinta u sheegay in weerarka ay saakay ku qaadeen Xerada Ciidamada Itoobiya ay ku dileen 43-askari oo katirsan ciidamada Itoobiya sidoo kale ay soo furteen saanad milatari.

Warar aan helnay ayaa sheegaya in dagaalka saakay ka dhacay deegaanka Halgan uu ahaa mid aad u xoogan uuna jiro qasaaro badan oo labada dhinac soo kala gaaray inkastoo aan si rasmi ah loo ogeyn qasaaraha kala gaaray labada dhinac.

Comments are closed