|

57 Guuradii Ka Soo Wareegtay Maalintii ay Somaliland Xornimadeedda Ka Qaadatay Boqortooyadii Ingiriiska,Dareenkii Cuslaa ee Maalmahaasi Aloosnaa & Dharaarihii Madoobaa ee Ka Dhashay DAAWO

Hargaysa 26. June 2017 (SDN/QJ):-Waxay Maanta ku buuxdaa 57 Sanno ka Hor Maalintii ay Somaliland Gobonimadeedda ka Hanatay Boqortooyadii Ingiriiska 26-kii Bishii June 1960-kii,Magaalada Hargaysa ayaa Nasiib u Heshay inay Noqoto Goobtii ugu Horaysay ee Laga Taago Calan ay Yeelato Mid ka Mid ah Deegaanadii uu Gumaystaha reer Yurub Maamulayay Sanooyin dheer.

Hasa Yeeshee Waxay Somaliland Iyo Ummadeeda oo Raacdo ugu Jirtay helitaanka Shantii Somaliyeed ee Gumaystuhu kala qoqobay Waxayna Taasi Keentay in Midnimo aan Shuruud Ku dhisnayn ay la gashay Somaliyadii Konfureed ee Madax bannaanidooda Ka qaatay Gumaystihii Talyaaniga 1-dii Bishii July ee isla Sannadkaas.

Mudo Sodon Sanno ah oo ay Somaliland Ku Jirtay Jamhuuriyadii Somalia Waxay la Kulantay Hagar daamooyin kaga Yimid Dalkii ay la Midoobeen waxayna taasi aakhirkii dhalisay in Halgan qadhaadh oo qori caaradii ah ay Somaliland dib u soo Ceshatay Madax bannaanideedii iyadoo 18 kii bishii May 1991kiina Magaaladda Burco lagaga dhawaaqay Go’aanka Masiiriga ah.

Comments are closed