Uncategorized

Xag-jiriinta Soomaaliya oo Kenya u digo roganaya,maxey tahay sababtu?

Nairobi Jan 17,2014(SDN)-Qaar ka mida meeliishaadkii xagjiriinta Soomaalida ayaa haatan dalka Kiinya u soo digo roganaya sida ay AP ka soo xigatay mid ka mida saraakiisha amniga ee dalkaasi.

Wixii ka danbeeyay sanadkii hore horaantiisii saraakiisha amniga ee dalka Kiinya ayaa la socday dhaq dhaqaaqa taageereyaasha kooxda Al Shabaab ee gudaha dalkooda.

Khilaaf u dhexeeya hogaamiyaha Al Shabaab Axmed Godane iyo qaarka mida madaxda kooxdaas ayaa sababa u ah in xagjireyaasha qaar ay Kiinya u soo hayaamaan.

Khilafka Shababaka ayaa salka ku haya doorka dagaalyahanada shisheeye ku leeyihiin ururka oo ay labada dhana isku maandheefeen.

Kooxahan shisheeye ee jihaad doonka ah ayaa isga tegey Soomaaliya waxaaney haatan ku dhuumaaleysanayaan dalka Kiinya.

Kiinya ayaa ah goob ku haboon weerarada Shabaabku xiiseeyaan ee lala beegsado goobaha reer galbeedku booqdaan ama ka ganacsadaan.

Sidoo kale kooxaha ajaanibka ah ee haatan Soomaaliya isaga tegaya ayaa waxa ka mid ah degaal yahano ka soo jeeda dalalka geeska Africa oo jihaad doon ah.

Si kastaba ha ahaatee kooxaha xagjiriinta ah ayaan maraba aaney u suurto galeyn in ay Kiinya xarun ka sameystaan.

Waxaase durba muuqata astaamaha in Shabaabka iyo taageereyaashooduba ay Kiinya amnigeeda halis geliyeen,hadii aan wax laga qabana xaaladu ka sii dari doonto.

SDN-Nairobi
contact@somalidiasporanews.com