Uncategorized

“Tusbax-furmay” Waa Taxane faaleyn doona Raadadkii Foosha xumaa ee ay reebtay Xukuumada Siilaanyo mudooyinkii u dhaxeeyey ( 26/6/2010- 26/6/2015 )

Waa horudhac Taxane  kooban oo la magac baxi doona  ” Tusbax-furmay ” oo bilaabmi doona maalinta ay ku eeg tahay  mudo xileedkii iyo maandayt kii xukuumada Siilaanyo oo ku beegan 26/6/2015 oo ay hada ka hadhay 4 caano-maal oo keliya. Waa Taxane aanu ku eegi doono kuna falanqeyn doono dhacdooyinkii iyo dhiilooyinkii dhabta ahaa ee xukuumada Siilaanyo ku fashilantay Maareyntoodii iyo meel-marintoodii mudadii ay hogaanka dalka hagaysey. Waxaa kale oo ay

qormooyinkani halbeeg iyo cabirba  saari doonaan Mahadhooyinkii iyo Raadadkii foosha xumaa ee doogta iyo diifta lahaa ee ay ku gel-gelimaysatay kuna fashilantay Xukuumada Siilaanyo kuwaas oo badankoodu aaney marna ka meydhmeyn xusuusta iyo quluubta mujtamaca reer Somaliland badankiisa.

Waa taxane iyo tusbax fur  anynu miisaanka ku saari doono Rikoodhkii iyo Raadadkii  foosha xumaa ee xukuumadani dhigtay kuwaas oo wiiqay oo hoos u dhigay sumcadii iyo magacsamaantii  Qaranimada Somaliland. Waa qormooyin aynu diirada ku saari doono sidii xukuumadani ugu tagri fashay ee ay ka yeeshay Keyd kii iyo ( Collective asset) kii qaranku wada lahaa. Waa qormooyin gaa-gaaban oo aynu dhudhun ku dhererin doono siyaabihii  ay xukuumada Siilaanyo ugu fashilantay xidhiidhkii caalamiga ahaa ee Somaliland oo hada noqday ( Diplomatic isolation ) . Waa qormooyin qiri doona Siyaasada Xukuumada Siilaanyo ee ku saleysan qaybi oo xukun, qaybsanaan iyo qabyaalad taas oo shacabkii Somaliland isu gelisay colaado siyaasadeysan iyo cadaawe degemsan oo ku saleysan degaan-degaan,qurub-qurub iyo qoys qoys iyo wadadu waday daalibaysaa in la isugu duur xulo.
Waa qormooyin qaadaa dhigi doona Duulka ku xeeran xayndaabka madaxtooyada oo qaar kood mujtamaca Somaliland u arkeen  in  lala doortay , madaxweyne Siilaanyo qaarna sida kubada iyo kuraan boodada loogu ciyaaro oo ay mar marka qaar koodna firdhadaanba intaan la eryin. Waa qormooyin  kuu qeexi doona dibin-daabyooyinka iyo dulmiga gaadhay dalkii iyo dadkii  saarnaa dumada xukuumada  Siilaanyo. Waa qormooyin aynu ku iftiimin doono bur-burka iyo baa-ba’a saameeyey aas-aaskii sharciyadii dastuurka, xeerarkii iyo xeegaanadii JSL la hayd ee ku soo caano maashay. Waa qormooyin kuu koobi doona diifaha, dil-dilaaca ,hitaaqooyinka, hurgumooyinka aaney mililkoodii  iyo nabaradoodi  weli bogsan ee inoo huursan ee ka sii muuqda dusha iyo dumada mushtamaca reer Somaliland.
Waa Taxane iyo Tusbax fur duri doona Gacan-wadaagleyda, Shirkadleyda, Sheerleyda,Dukaanleyda, Danleyda iyo Dabatooyinka dantooda raacda ee wadanka ku degay ee dam ka siiyey. Waa qormooyin diirada saari doona oo baadi goobi doona lumitaankii milgihii iyo midnimadii qaranimada Somaliland oo hada haadaan dheer ka sii lu lata.
Maanta Waa nasiib daro, in Madaxweyne Siilaanyo oo la soo taagnaan jiray  doorashadu waqtigeeda  ayey ku dhacaysaa iyo yaan maalin la iigu darin ayaa hada ku fashilmay in doorashooyinka is barkan uu waqtigooda ku qabto, waxaana ay aheyd in la maxkamadeeyo oo lagu soo oogo mooshin maamuus ka xayuubin ah laakiin nasiib daro taa bedel keedii ayaa  wuxuu noqday in waqti dheer oo aan sababeysneyn loo kordhiyo oo weliba laga baryo waqtigaa lagoo kordhiyey in uu  ansixiyo ama uu maxkamada sare u gudbi oo isu dhaafiyo. Waana isaga iyo Allahii !!!!
La soco Taxanaheena iyo Tusbax furkeena  soo socoda …………………………………….. !!!
Shacabyahow Tiraa kaa Gedmane wax isu gey-geyso!
Allow sahal amuuraha Aakhiro Samaan Ooman Baa yimi’ye!!!!
Allaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wa-Laahum-Aclam-Wa-Bilaahi-Tawfiiq
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi (scs)
Qalinkii : A/rahman Fidhinle
Intensive ED BD PA
United Kingdom
London.