Hargaysa 07.Oct 2015 (SDN/QJ)-Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa ka qeyb galay xaflad balaadhan Huteelka Maansoor ee caasimadda Hargeysa, oo ay ku qalin jabinayeen 95 arday oo ka aflaxay machadka shaqaalaha Dawladda (Civil Servervice Institute).
Waxa kale oo xafladan ka soo qeyb-galay Madaxwayne kuxigeenkii hore Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, xubno ka mida golaha Wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen Wasiirka Xanaanadda Xoolaha iyo Wasiirul-dawlaha Maaliyadda, taliyaha ciidanka Booliska, waalidiin iyo ardayda qalin jibaniyasay.
Agaasimaha guud ee machadka shaqaalaha dawladda Mr. Guuleed Saleebaan Axmed, oo ka hadlay xafladaasi hambalyo u diray ardayda qalin jabisay, oo uu xusay inay hawl-adag u soo dhabar adaygeen saddexdii sannadood ee la soo dhaafay, waxaanu yidhi “Hambalyo hambalyo waxaynu maanta (shalay) u taag nahay xafladii qalin jabintii afraad ee Machadka shaaalaha dawladda, waxaana maanta qalin jabiyay 95-arday, waxaan aad ugu hambalyeynayaa ardaydan oo ah waalidiinta, isla markaan ah ardayda manta halkan ka qalin jabisay ee xafladoodana u wada fadhino ee u soo dhabar adeegay saddex sannadood oo shaqo adag ah, machadka tababarka shaqaalaha dawladda markii uu arkay record-kii ay u soo gudbiyeen Xafiiska diiwaanka ee registerer-ka machadka, markuu la tashaday qaybaha kala duwan ee waaxaha ee machadka, markii ay buuxiyeen ardayda fadhida halkani sharuudihii looga baahnaa darajada aqoonta koowaad (degree)-ga, waxa ay maanta ku qalin jabinayaan shahaadada heerka koowaad ee jaamacada ee Bachelor Degree-ga.”
