Uncategorized

‘’Ciidamada Ingiriisku Haddii Ay Yimaadaan Soomaaliya Wadooyinka Ayaan Ku Gowrici Doonaa…’’ Sh. Cali Dheere

Muqdisho,7Oct,2015(QJ/SDN)-Xarakada Al-shabaab ee ka dagaalanta dalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay la dagaalami doonto ciidamada Britain ay u soo dirayso Soomaaliya, kuwaas oo la sheegay inay tababari doona ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha  Brtain, David Cameron ayaa toddobaadkii hore ka sheegay New York inuu 370 oo askari u dirayo dalalka Koofurta Sudan iyo Soomaaliya, iyadoo ciidamada loosoo dirayo Soomaaliya tiradooda lagu sheegay 70-askari oo tababarayaal ah.

Afhayeenka guud ee Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) oo la hadlayay warbaahinta Afka Xarakada Al-shabaab ku hadhasha ayaa sheegay inay la dagaallami doonaan ciidamada Britain, haddii ay cagta soo dhigaan ciidda Soomaaliya.

“Haddii ay ciidamada dowladda Ingiriisku yimaadaan Soomaaliya, waxaa naga go’an inaan la dagaallanno, waxaanan marsiin doonnaa halkii ay mareen awoowayaashood,” ayuu yidhi afhayeenka xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale, Sh. Cali Dheere ayaa xusay in meydadka askarta Ingiriiska lagu arki doono goobaha dagaalka, haddii ay duullaanka ka socda Soomaaliya kasoo qayb galaan.

“Waxaa noo qorsheysan inaan la dagaalanno ciidamada Ingiriiska, horay waa u joogeen, waanan ula dagaalannay. Askarta Ingiriiska oo lagu gowracayo jidadka waa la arki doonaa… waxaana laga daawan doonnaa caalamka oo dhan,” ayuu yidhi Sh. Cali Dheere.

Geesta kale Sheekh Cali Dheere ayaa sababta keentay in ciidamo Ingiriis ah xilligan ay  yimaadaan soomaaliya ku sheegay fashil dhan walba ah oo ku yimid ciidamada AMISOM “Dawaco meesha ay macal ku barato ayay macluul ugu dhimataa,Ingiriiska waxaan marsiin doonaa halkii ay awoowayaasheen marsiiyeen” ayuu yidhi Sh.Cali Dheere.

Danjiraha Britain u fadhisa Soomaaliya, Hariet Mathews ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabatay magaalada Muqdisho maalinkii dorraad waxay ku sheegtay in ciidamada UK aanay ka qayb-qaadan doonin dagaallada lagula jiro Al-shabaab, balse ay yihiin tababarayaal oo keliya.

Ugu dambeyntii, Qorshaha Britain ay ciidamada ugu soo direyso Soomaaliya ayaa ah mid ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM uga taageerayaan howlaha tababarrada, caafimaadka, qalabeynta ciidamada, sida ay sheegeen saraakiisha Britain.

QJ/SDN: Muqdisho