Helisinkli,7Oct,2015(QJ/SDN)-Gudoomiyaha Baarlamaanka dowlad goboleedka Galmudug, Mudane Cali Gacal Casir iyo wafti uu hogaaminayo ayaa maanta soo gaaray Magaalada Helsinki Ee Caasimadda wadanka Finland, Gudoomiyaha iyo xubnaha lasocday oo howla shaqo u yimid Finland ayaa caawo kulan laqaatay qaar ka mid ah Jaaliyadda Soomaaliyeed Ee dalka Finland.
Kulanka oo ahaa mid ay soo qaban qaabiyeen Ururka midnimada Soomaaliyeed Ee ( Somaliliito ) ayaa waxaa ka soo qeyb galay Mudanayaal magac kuleh Bulshada Soomaalida dalkan sida Siyaasiyiin, Ganacsato, odayaal dhaqameed, dhalinyaro, iyo ganacsato, waxa uuna ahaa mid Godoomiyaha iyo waftigiisa looga dhageysanayay xaalada dhaqan & dhaqaale Ee dalka gaar ahaan Gobollada iyo dagmooyinka dowladda Goboleedka Galmudug.
Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaan Galmudug oo la hadlayay dadkii ka soo qeybgalay kulanka casho sharafeedka loogu sameeyay ayaa ku dheeraaday ka ha dalka si guud iyo si gaar ahaan xaalada Gobollada Galguduud iyo Mudug wax-qabadka maamulka Galmudug halka ay marayaan howlaha Heshiisyadii Ahlusuna Waljamaaca dhismaha Dekadda Hobyo dagaalka dib u xoreynta deegaanada ay gacanta ku hayaan Ururka Alshabaab.
Mudane Cali Gacal Casir ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u mareyso howlaha wada xaajoodka Maamulka Ahlusuna Waljamaaca isaga oo raja ka muujiyay in la soo afjari doono is fahmi waaga u dhexeeya Ahlusuna Garabka Dhuusamareeb iyo Galmudug, sidookale waxa uu sheegay in iyana ay meel wanaagsan mareyso howlaha Dhismaha Dekadda Magaalada Hobyo Ee Gobolka Mudug isaga oo ka dhawaajiyay Furida Dekadda Hobyo in ay Fursad iyo Faa’iido weyn u tahay reer Galmudug Shacabka iyo dowladdaba, isla markaana ay ka wada faa’iideysan doonaan dhammaan.
Mr Gacal mar uu ka hadlayay xaalada Deegaanada Dowlad Goboleedka Galmudug Ee Gacanta ugu jira Ururka Alshabaab ayuu Sheegay in Maamulku horay u ahaa mid curdin ah oo aan weli dhaafin deegaanadii lagu yagleeyay, laakiin hadda wixii ka danbeeya ay la wareegi doonaan Deegaanada iyo Dagmooyinka Gacan tooda ka maqan.
Gudoomiyaha ayaa amaanay kaalinta dhismaha dowladd goboleedka Galmudug ay ka gaysteen dadka ku dhaqan magaalada Cadaado ee gobolka galgaduud, waxaana uu ku misaalay magaalada Cadaado in amni ahaan ay kala tahay magaalooyinka Caalamka ugu amniga Badan markii aad joogto Cadaado waa hubaal in aad ku diimeyso wax dhawaq risaaseed ah sida adinku aad ugu diimtaan xabad dhacda iyo dhawaqeeda ayay dadka reer Cadaado ugu diimaan Dhawaqa risaasta taasna waxaa suura galiyay dadka deegaanka oo go’aan saday in ay nabadeeyaan deegaan kooda ayuu yiri Gudoomiye Cali Gacal Casir.
Ugu danbeyntii Gudoomiyaha ayaa Jaaliyadda Galmudug Ee Finland ugu Baaqay in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska iyo Ganacsiga Gobolada iyo Dagmooyinka Dowladd Goboleedka Galmudug, waxaana uu gudoomiyuhu sheegay in dal walba ay horumariyaan dadkiisu gaar ahaan qurbejoogta, isla mar ahaantaanna waxa uu jaaliyadda Galmudug u sheegay inay ka qayb qaataan horumarka dalkooda.
Halkan Hoose Ka Daawo Sawirro Dhammeystiran









Xassan-Kaafi Maxamed Xalane
QJ/SDN: Helisinki Finland
