Uncategorized

Hargaysa: Nin Hindisay Mishiin Shidaal la’aan ku Shaqaynaya, Iyo Waxyaabaha uu ka sameeyay

Hargeysa  01.Dec .2015 (SDN/QJ):- Muwaaddin reer Somaliland ah kuna nool magaaladda Hargeysa, ayaa soo bandhigay Mmishiin yar oo ah nooca korontada dhaliya ah, kaasoo aan haba-yaraatee wax Shidaal ah ku shaqaynayn ee Shidaal la’aan lagu isticmaalayo.

muwaadin
Siciid Saleebaan Geelle, ayaa soo bandhigay natiijada tijaabo in ka badan toban sanno uu ku hawlanaa oo uu ku hindisay mishiinkan oo halkii shidaalka uu kaga shaqaynayay macdan ku baddalay.

Siciid Saleebaan Geelle, oo Weriye Aadan Cabdi Ciidle oo HCTV ka tirsan, ku booqday goobta uu ku sameeyay mishiinkan aan shidaalka ku shaqaynayn, ayaa sheegay isaga oo ka waramaya waxa ku sababay inuu mishiinkan sameeyo.

“Sababta ugu weyn ee igu kaliftay inaan mishiinka soo saaro waxay tahay bal si aan huromar usoo kordhiyo oo shidaalka looga maarmi karo, maadaama uu yahay shidaalku qaali.” Sidaa ayuu yidhi, waxaana uu intaas sii raaciyay; “Waxaan aad u jecelahay bal inaan si degdeg ah hawshaa inkasta oo ay iga dhiman tahay boqolkiiba toban (10%) aan u dhamaystiro, kana uu noqdo mid hirgala, maadaama uu ijiinkan kuwii galena, kuwa ka waaweyna waa lagu samayn karaa.”

Mishiinkan ku shaqeynaya qayb tamarta qoraxda ah iyo qayb macdanta emeroolka ayaa muuqaal laga soo duubay isagoo la istaadhay oo shaqeynaaya, kaas oo u shaqeeyay sidii shidaalka marka lagu shubo u shaqeeyo, waxaana si arrintani ay u kala caddaato uu muhindiska sameeyay tusay Weriyaha isaga oo foorariyay taangiga.

mishiinAqoonyahanka ikhtiraacay mishiinkan ayaa dawladda iyo cid kasta oo ka caawin karta hirgelinta hamigiisan ka codsaday in lagu garab istaago. “Waxaan ka codsanayaa in la igu garab istaago, aniga oon dhaqaale iyo lacag midna kaga rabin, oo inta iga dhimana aan doonayo inaan dhakhso u dhmaystiro, balse waxaan ka rabaa in dhiirigelin hiil iyo hooba leh la ila garab istaago.” ayuu yidhi Siciid.

Farsamoyaqaannada ama Aqoonyahannada Somaliland, ayaa muddooyinkii u dambeeyay waxay soo bandhigayeen waxyaabo aad loola yaabo oo ay ikhtiraaceen, sida diyaarad Hilecopter-ka ah, karasharka dhagxaanta oo muwaadin Somaliland ahi soo bandhigay.

Mishiinkan uu Siciid saleebaan Geelle haatan soo bandhigayna waxa ay horumar balaadhan u tahay Somaliland, haddii ay dawladdu samayso barnaamij lagu taageerayo dadka iyagu wax muhindisa, taas oo wax ka tari doonta tahriibka dhalinyarta, mukhaadaraadka iyo waxyaabaha lamidka ah.