Walaac Laga Muujiyey Habka Maxkamadeynta Somailland ee Dadka Rayidka ah {DHAGEYSO}

Hargaysa 01. Sep 2016 (SDN/QJ):– Xarunta xuquuqal insaanka ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ee Human Rights Center ayaa war murtiyeed ay soo saartay walaac kaga muujisay sida xukuumadda Siilaanyo ay u maxkamadeyso dadka rayidka ah.

 

Xarunta ayaa xukuumada Somaliland ugu baaqday inay joojiso dacwado ka dhanka ah dad rayid ah oo ay sheegeen in kiiskooda ay qaado maxkamada ciidanka.