Sirte 07. December 2016 (SDN/QJ):- Ciidamada Milatariga dalka Liibiya ayaa dhawr jiho ka soo galay magaalada Sirte oo eheed xarunta ugu weyn ee ururka Daacish gaar ahaan kuwooda ka dagaalama gudaha wadanka Liibiya .
Mudo ka badan 3 bilood ayaa waxaa dagaalo culus ay ka socdeen deegaanada ku xeeran magaalo xeebeedka Sirte balse iminka waxaa si toos ah ula wareegay magaaladaan ciidamo daacad u ah dowlada Liibiya .
Taangiyo iyo Tikniko fara badan ayaa lagu jabiyay Darbiyo difaac u ahaan jiray maleeshiyaadka ururka Daacish waxeeyna magaalada Sirte noqoneysaa halkii ugu dambeysay ee ka baxda gacanta Daacish-ka ka dagaalama dalka Liibiya .
https://www.youtube.com/watch?v=HxRKjeE5u6E
