Washington 08. December 2016 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa jeediyey khudbadiisii ugu danbeysey ee ammaanka qaranka.
Madaxweynaha ayaa sheegey in dhanka ammaanka waxyaabaha ay Mareykanka ka qabteen ay ka mid tahay howlaha nabad ilaalinta ee Soomaaliya ay ka wado AMISOM oo Mareykanku dhaqaale ku caawiyo isagoo ka digey in Muslimiinta la faquuqo.
