Hargaysa 08. December 2016 (SDN/QJ):- Shir lagu lafa gurayo geedi socodka doorashooyinka Somaliland ayaa ka furmay magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.
Arrimaha shirkan looga hadlayo ayaa waxaa ka mid ah hanaanka doorashada, caqabadaha ku gedaaman iyo waxayaabaha keena inay si isdaba joog ah dib ugu dhacaan.
Shirkan ayaa waxaa ka qayb galaya daneeyayaasha doorashooyinkaasi sida xisbiyada siyaasadda, wakiilada dawladaha maalgaliya doorashooyinka, bulshada rayidka ah iyo aqoonyahano ka kala socda ilaa 22 jaamacadood.
