Hargaysa 30. March 2017 (SDN/QJ):- Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Marwo Sam Sam Cabdi Aadan ayaa Ku Wareejisay Maamulka Baanka Dhexe ee Somaliland Lacag dhan 5 Milyan oo Dollar Lacagtaas oo ay soo bixisay Shirkadda DPW ee Maamusha Dekeda Magaaladda Berbera.
Dhawr Bilood ka hor ayay Shirkada Imaaraadka ee DPW Waxay Somaliland Soo Gaadhsiisay 5 Milyan oo Dollar Marka la isku daro Guud ahaan Lacagta ay Shirkadani Bixisay ayaa dhan 10 Milyan oo Dollar.
