Puntland Oo Isu Diyaarineysa Dagaal Ka Dhan Ah Al-shabaab & Ciidamo Ku Qulqulaya Buuraha Galgala

Gal-gala 12. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa degaano ku dhow dhow Buuraha Galgala ee gobolka Bari ku sii qulqulaya ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland ka dib go’aankii ka soo baxay Madaxweynaha maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas.

Sida wararku sheegayaan Ciidamadaan ayaa ah kuwo si aad ah loo tababaray oo ka tirsan kuwa daraawiishta Puntland oo la arkayay iyagoo wata Gaadiidka dagaalka kana kala imaanaya Magaalooyinka uu ka kooban yahay Maamulka Puntland.

 

Ciidamo fara badan oo ka tirsan kuwa Puntland ayaa haatan gudaha u galay qeyb ka mid ah Buuraha Galgala iyagoo isku diyaarinaya iney weerar ku qaadaan xoogaga Al-shabaab ee halkaas degan.

 

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa ku dhawaaqay iney qaadayaan dagaal gobolka Bari looga sifeynayo xoogaga Daacish iyo Al-shabaab.

 

Hadalka C/wali Gaas ayaa ka dambeeyey weerar culus oo xoogaga Al-shabaab ee buuraha galgala ku soo qaadeen fariisin ciidamada Puntland ku leeyihiin degaanka Af-urur oo 80km u jira Boosaaso halkaasoo lagu laayey ku dhowaad boqol askari oo ka tirsan ciidanka daraawiishta Puntland.