Hargaysa 12. June 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Mudooyinkii u danbeeyay Somaliland Ku Sugnaa Sheekh Cabdul Xaq oo Caan ku ah Waddaad dadka ka dabiiba Xannuunada ay Keenaan Jinka,Isha Iyo Sixirka.
Hadaba Qaabka uu Sheekhadani Dadka u Daawaynayo Waxa si adag u dhaliilay Sheekh Barbaaraawi oo ka mid ah Culimada Magaaladda Hargaysa oo Sheegay inuu Sheekhani adeegsanayo Jinka Isla Markaana aanu qaabka dabiibkiisuna waafaqsanayn Shareecada Islaamka.
Sheikh Cabdi xaq: Xalay Xili Danbe waxa iso wacay Ardayda Sh barbaraawi oo iigu han jabtay inay i dilayaan waxaan ka haystana garan mayo ama aan ka galab saday.
