Hargaysa 12. June 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa ka hadashay Dhibaatada Tahriibta ee dhalinyaradu ku dhammaatay iyo Maggafayaasha Liibiya Muuqaallo ay ka duubeen Dhalinyaro Wiilal iyo Gabdho ah oo Soomaaliya iyo Somaliland ka kala tahriibay oo ay garaacayaan, kana dalbanaya Lacag Madax-furasho ah oo ay toddobaadyadan dambe soo dhigayeen Baraha Bulshadu ku kulanto ee Internet-ka.
Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Somaliland Cabdi Daahir Camuud, ayaa Weriye Cabdiwahaab Cabdirashiid oo ka tirsan Universal TV waxa uu wax ka weydiiyey arrimaha Tahriibta iyo halka ay ku dambaysay Guddigii La-dagaallanka Tahriibka ee uu Madaxweyne Siilaanyo Sannado ka hor magacaabay oo ay Wasaaradda Arrimaha Bulshadu hoggaaminaysay.
Waxa uu Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Shaqada iyo arrimaha Bulshadu ugu baaqay Waalidiinta inay Ubadkooda la socdaan dhaqdhaqaaqyadooda, si aanay u tahriibin oo aanay naftooda ugu biimaynin Saxaraha iyo Badaha ay Maggafayaashu Isbaarooyinka u dhigteen. Waxaanu intaa ku daray inay Xukuumaddu abuurayso Shaqooyin wax lagaga qaban karo Tahriibta marba marka ka dambaysa sii kordhaysa.
Haddaba, Waraysigaas kooban ee Wasiiru-dawlaha Shaqada iyo arrimaha Bulshada Somaliland kaga hadlay Tahriibta, su’aalaha la weydiiyey iyo jawaabaha uu ka bixiyey-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-
