Duulimaad Diyaaradeed Oo Mar Qudha la Duway Kadib Markii Shaki Laga qaaday Rag ka Mid ahaa Rakaabkii Diyaaradda Oo Wada Sheekaysi dhex Maray

Cologne-Bonn 13. June 2017 (SDN/QJ):- Diyaarad ay leedahay shirkadda Easyjet ayaa duulimaad ay ugu soo jeeday Dalka Britain la weeciyay, kadib markii laga shakiyay sadex nin oo kamid ahaa rakaabka diyaaradaasi saarnaa oo si hoose u sheekeesanayay.

Diyaarada oo kasoo duushay dalka Slovenia kuna socotay dalka Britain ayaa si deg deg ah loogu dejiyay garoonka Cologne-Bonn ee dalka Jarmalka, Duuliyaha diyaarada ayaa loo sheegay in rag laga shakiyay diyaarada saaran yihiin sidaasna ku go’aansaday in duulimaadka weeciyo deg degna u dejiyo.

 

Waxaa saarnaa diyaarada rakaab gaarayay 151 qof kuwaa oo si deg deg ah loo daad gureeyay markii diyaarada la dejiyay, booliiska oo Diyaarada soo galay ayaana xiray sadexda nin ee laga shakiyya waxa ay sidoo kale baaritaano ku sameeyeen boorsooyinkii ay wateen.

 

Booliiska Jarmalka war kasoo baxay ayaa lagu sheegay in qaar kamnid ah Rakaabka diyaarada saarnaa a soo gudbiyeen xog ah in sadexda nin ee laga shakiyay u hadlayeen qaab argagaxiso, booliiska ayaana baaritaankoda kadib faah faahin intaasi ka badan bixin.

 

Rakaabkii diyaarada saarnaa oo xalay ku hoyday magaalada Cologne ayaa saakay usoo duulay dalka Britain ay markii hore kusii jeedeen, waxaana saacado ay dareemeen rakaabka khal khal xoogan iyaga oo ka cabsi qabay in diyaarada gudaheeda uu ka dhaco weerar.