Hargaysa 13. June 2017 (SDN/QJ):- Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa si aada u durey siyaasiyiinta qurba-joogta ah ee inta badan xilalka u soo doonata dalka Somaliland, waxaana uu sheegay in raga Somaliland u yimaada ka qeyb-galka siyaasadda aanay intooda badani ahayn dad aqoon ahaan iyo karti ahaan ba u dhisan oo wax badan ka tari kara baahiyaha kala gedisan ee ka jira Somaliland.
Md.Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe), waxa sida oo kale uu aada Xukuumadda ugu canaantay in ay ka gaabisay raadinta qadiyadda Ictiraafka oo uu sheegay in ay hagratay Xukuumadda KULMIYE isla mar ahaantaana aanay gurin raadadkeedii hore isaga oo sida oo kale na iftiimiyey kala duwanaanshiyaha taariikhaha 18ka May iyo 26ka Juun oo uu labadaas taariikhood ba soo bandhigay xaaladahii ay ku kala yimaadeen iyo waxyaabahii ay ku asteysnaayeen.
https://www.youtube.com/watch?v=3MTxGaLqC_Y
