Usain Bolt Oo Qiiro Iyo Guul Ku Macasalaameeyey Dunida Orodada DAAWO

Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):- Usain Bolt ayaa si qiiro leh ugu gacan haadiyey shacabkii reer Jumaica ee isugu soo ururay garoonka, isagoo ku macasalaameeyey guushii ugu dambeysay ee tartanka 100 ka mitir ah ee uu ciidiisa ku gaadho

Orordyahankan 30 jirka ah, ayaa soo afjaray mustaqbalkiisii orodada ee sida shumaca u ifiyey isagoo si rasmi ah ugu dhawaaqay ka fadhiisiga bishii August markii uu qaaday horyaalnimada dunida tartankii London, kadibna bilaabay inuu macasalaameeyo 30,000 oo taageere jeclaa ah oo isugu yimid caasimada Kingston.

Ninkan sideeda jeer ku guuleystay bilada dahabka ah ee Olympic dunida, Bolt ayaa si fudud u hantay ‘Sii Galbintii Halyeyga’ tartan loo qabtay,shantu fagaxda  100 ka mitir hantiyey 2017 laakiin sheegay inuu wajahay oo ka gudbay xaalad isku buuqsanaan tii ugu darayd ah.

“Orodku, wuxuu iska ahaa mid caadi ah. Waa inaan sheego inuu ahaa Caadi. Uma malaynayo inaan waligay sidaas oo kale u noqday mid khal-khalsan orod 100 mitir ah,” ayuu yidhi.

Bolt wuxuu ku dhamaystiray 100 m –  10.03 ilbidhiqsi si uu guusha u gaadho, ka hor intii aanu wareeg dheeraad ah oo uu shacabka ugu gacan haadinayo ka hor samayn – taageerayaal – buuqa iyo sawaxanka ka baxayay ku darayay, qoob ka ciyaar, callammaan ay lullaan iyo qalabka codka sameeya oo ay afuufayeen, halka kor ay u ganayeen sidoo kale, buluug laydhka xiliyada faraxa lagu muujiyo.

Ciyaaryahankan, rikoodhka  aduunka ee xawaaraha 100m iyo 200m haysta, wuxuu intaas kadib ku foorarsaday dhulka si uu u dhunkado, isagoo kor markuu uga toosayna bixiyey “astaanta uu caanka ku ahaa ee uu samayn jiray mar kasta oo uu orod dhamaystiro.

‘Tani waxay ii muujinaysaa, in wixii aan soo qabtay ay ahaayeen wax weyn’

Shaqsiyaad uu ku jiro, saaxiibkii , Sir Mo Farah ayaa kamid ahaa, dadkii ka qayb galay macasalaamaynta orodyahankan dunida mucjisada ka dhigay mudaddii uu ku soo dhex jiray.

https://www.youtube.com/watch?v=VQa1Esd2SXM

https://www.youtube.com/watch?v=8A_Z4FUbeB0