Goosha Libaaxa Iyo Qaabka ay u Difaacdo Caga Baruuryadeeda, Iyada Oo Dhibaato La Maraysa DAAWO

Botaswana 14. June 2017 (SDN/QJ):- Goobtu waa Okavango Delta oo ku taal dalka Botaswana, meeshaan waxaa ku noolaan jiray 30 sanno ka hor 450,000 oo Libaaxyo ah, kuwaasi oo isugu jira Aar iyo Goolba, laakiin wixii xiligaan ka danbeeya waa ay sii dabar go’ayaan oo waxaa ku nool qiyaastii hadda 20,000 ama wax ka yar.

Inta baddan Libaaxayadda waxaa dilla ama ugaarsada dad doonaya in ay haragoodau iib geeyaan dalalka horumaray sida Maraykanka, midaasina waxay sii dhalisay, Libaaxayadda Laf’ ahaantooda ay is dillaan ama is dhabar jaraan.

 

Hadaba Barnaamijkaani waxaad ku daawan doonaa inshaa Allaah, Gool dhib iyo rafaad joogta ah la mari doonta cagabaruuryo ay dhashay, kuwaasi oo ay weerar ku yihiin, xayn libaaxyo ah, waxayna doonayaan libaaxayadaasi in aysan goosha yeelan wax taran ah, ama ka farcama iyadda.

Arrintaani waxaa ay ka yaabisay dadkii barnaamijkaani duubayay muddo aad u dheer, oo habeen iyo maalinba daba socday goosha iyo caga baruuryadeeda, inkastoo sheekadaani qeybta koowaad oo kaliya aan markaan kaga hadli doona sida ay goosha u difaacatay dhasheeda.

https://www.youtube.com/watch?v=AZ9Ei58Dtgo