Maxaa ka jira in Madaxweyne Farmaajo Uu Diiday Lacag Aan Caadi Aheyn Si Uu Xiriirka Ugu Jaro Qadar? AKHRI

Muqdisho 14. June 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku gacan seyray lacag aan caadi aheyn oo ay u soo bandhigtay dowlada Sacuudiga si uu xiriirka ugu jaro dowlada Qadar.

Sida uu qoray wargeyska New Khaliij ee ka soo baxaya dalka Imaaraatka Carabta Masuuliyiin ka tirsan dowlada Sacuudiga oo soo gaaray Muqdisho ayaa kulan la qaatay madaxweynaha Somalia iyagoo waday isku day ay ku doonayeen inuu ku oggolaado inuu xiriirka u jaro wadanka Qadar.

 

“Kulan labo saacadood ah qaatay oo albaabada u xirnaayeen ayaa lala yeeshay Madaxweyne Farmaajo waxaana loo balan qaaday in la siin doono dowladiisa $80 milyan oo deg deg ah taasoo ka baxsan balanqaadkii afarta bilyan ah ahaa ee dowlada Sacuudigu ku yaboohday, balse farmaajo wa diiday isku day walba,”ayuu yiri weriye lagu magacaabo Jaber Al-Harimi oo ka tirsan wargeyska New Khaliij.

 

Farmaajo ayaa ku adkeystay in dowlada Soomaaliya ay dhexdhexaad ka tahay khilaafka dalalka Khaliijka balse sacuudiga ayaan doonaya in Soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka xiriirka u jaray Qadar

Masuuliyiinta Sacuudiga ayaa ku hanjabay inay dhaqaalaha gargaarka ah ka joojineyso dowlada Soomaaliya haddii aysan xiriirka u jarin dowlada Qadar ee walaalaha ah.

Somalia turns down $80m to cut ties with Qatar