Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):- Dalalka reer yurub ayaa fursad qaali ah ka helay xiisadda dalka Qatar ka dib markii uu Maraykanku la saftay xulafada sucuudiga iyo imaaraatka.
Wadamada reer yurub oo xiligan ay maraykanka isku khilaafsan yihiin arimo caalami ah sida heshiisyadii wax ka qabashada isbedelka cimilada dunida iyo kii ku saabsanaa quwada nuclier-ka ee Dalka iran ayaa sidoo kale waxa ay ka gaws qabsadeen safarkii Madaxweyanaha Maraykanka ee Sucuudiga, waxana ay ka aamuseen dhamaan heshiisyadii uu halkaa kula galay Madaxda carbeed oo uu ka mid ahaa heshiiskii la dagaalanka waxa ay ugu yeedheen argagixisada, mana jirin dawlad keliya oo reer Yurub ah oo soo dhoweysay heshiisyadii Trump ku galay Sucuudiga.
Xiligan Dalalka Midowga yurub waxay dhamaantood mowqif dhexdhexaad ah iska taageen qaddiyada Dalka Qatar, waxaana ugu dambeeyey Dalalkii arintaa ka hadlay wadanka Ingiriiska oo lahjad diblumaasiyadeed ku sheegay inay cunaqabataynta la saaray Qatar ay tahay mid culus oo laga badbadiyey, kana dalbaday Wadanka qatar inay dhegaystaan tabashooyinka ka imanaya deriskeeda.
dalalka reer yurub xiligan waxaa uga banaan fursad dhexdhexaadineed oo ay xiisadda haliijka ka geli karaan ka dib markii dawlada maraykanku la safatay sucuudiga, waana tallaabo kale oo ay wadamada yurub kaga hor imanayaan maraykanka.
Sida la ogyahay Weftigii Maraykanka uga qaybgelayey shirka deegaanka ee ka socda Dalka Talyaaniga ayaa waxaa Shalay oo Isniin ahayd ka baxay shirkaasi dibna ugu noqday Magaalada washington ka dib markii uu khilaaf adagi ka dhex qarxay weftiga Maraykanka iyo dalalka kale ee shirka ka qaybgelaya.
Telefishinka wararka ee dalkaasi Maraykanka ee Fox News ayaa baahiyey in weftiga Maraykanka ee shirkasi oo uu horkacayey SCOUT Bright, gudoomiyaha hay’ada ilaalinta deegaanka ee dalka Maraykanka ay wufuuda kale si adag isugu khilaafeen arinta ku saabsan sida loola macaamilayo isbedelka cimilada dunida.
Wasiirka Deegaanka ee Dalkaasi Talyaaniga Jian Lova Galiani oo shir gudoominayey shirkan deegaanka oo labo maalmood ka soconaya Magaalada Bolonia ayaa sheegay in inkastoo ay weftigii maraykanku shirka ka cadhoodeen, hadana la sii wadayo ajandaha shirka.
Wakiilada shirkaa u metelaya dalalka jarmalka, faransiiska, Ingiriiska, Kanada iyo japan ayaa sheegay sida ay uga niyad xumaadeen go’aankii Madaxweynaha maraykanku dhowaan ku sheegay in dalkiisu ka baxayo heshiiskii PARIS ee wax ka qabashada isbedelka cimilada adduunka.
