12 Markab oo Cunto Sida oo u Ambo baxay Waddanka Qatar ee Cunaqabataynta Lagu Soo rogay

Sohar 14. June 2017 (SDN/QJ):- Boqolaal Koontiinar oo ay ku jirto cunto ayaa ka shiraaqday dalka Cumaan, oo u sii jeeda dalka, Maraakiibta sida cuntooyinkan ayaa ka dhaqaaqday dekedaha Sohar iyo Salalah.

Shirkada cuntooyinka ee dalka Qadar ayaa sheegay in ay 12 markab u dhaqaaqeen caasimada Qadar ee Dooxa, taasina oo ay dawlada Qadar kaga gaashamanayso inay ku dhacdo cunto yari.

Axmed Al-Khalaf oo ah mulkiile shirkad cuntada ka ganacsatada ayaa sheegay inay jiraan cuntooyin ka imanayaa dalalka Yurub oo ku soo fool leh dalka Cumaan, ka dibna soo gaadhi doona dalka Qadar.

 

Shirkada ugu horaysa adduunka ee samaysa Koontiinarada ee dalka Deenimaarik ayaa sheegay inay heshay dalab uga yimid dalka Qadar oo ay sii marin doonto dalka Cumaan. Sidoo kale shirkada labaad ee adduunka ugu horaysa  cuntada ee reer Iswiisarlaan ayaa sheegay inay maraakiib cunto ah ku daabuli doonta dalka Qadar wiiga soo socda. Maamulka dekeda dalka Qadar ayaa bilaabay waddooyin cusub oo ku raadinayaan inay helaan cuntooyin dalkaasi laga cuno, iyada oo suuqooda ugu weyni ahaa dalka Sacuudi Arabiya oo xidhiidhka u jaray.

 

Dalalka Sacuudi Arabiya,  Baxrayn, Imaaraadka iyo Masar ayaa dalka Qadar ku soo rogay cunaqabatayn dhinaca Badda, dhulka iyo cirka taaso keenay inay Qadar la kulanto  cidhiidhi cunto iyo culays dublamaasiyadeed.