Hargaysa 14. June 2017 (SDN/QJ):- Xukuumadda Somaliland, ayaa shaaca ka qaadday inay bilaabmayso dhismaha Wershadda Sibidhka ee magaalada Berbera, taas oo ay Xukuumaddu ku wareejisay saddex Shirkadood oo kala ah Shirkadda Red Sea (Badda Cas) oo ay ku midoobeen Shirkadaha Dahabshiil Group, KIPCO iyo Berbera Group.

Shir Albaabbadu u xidhnaayeen oo Wasiirrada Ganacsiga iyo Maalgashiga iyo Wershadaha Somaliland iyo Masuuliyiinta Shirkadahaas Red Sea ku midoobay ku wada yeesheen xarunta Wasaaradda Ganacsiga, kaasoo dood iyo is-waraysi ka dib, ay iskula qaateen bilawga hawsha dhismaha Wershaddaas oo tan iyo intii ay Burburtay dawladdii Millateriga ahayd ee Soomaaliya fadhiday oo aan shaqaynayn, markii dambana Qalabkeedii la bililiqaystay oo Seeska laga soo bilaabayo hawsheeda.
Kulankaasi markii uu soo dhammaaday waxaa Warbaahinta la hadlay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Dr. Cumar Shucayb, Wasiirka Wershadaha Shucayb Maxamed Muuse iyo Mulkiilaha Dahabshiil Group Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil), waxaanay sheegeen inay hawsha dhismaha iyo Maalgelinta Wershadda Sibidhka Berbera bilaabmayso, wixii hawlo qabyo ahaana Shirkaduhu soo dhammaystireen.
Masuuliyiintaas Warbaahinta qaarkeed la hadlay sharraxaadda ama faahfaahinta ay ka bixiyeen halka hawshaasi marayso, waxaannu hadalladooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-
https://www.youtube.com/watch?v=5qlYZE-YA7c
