Riyadh 18. July 2017 (SDN/QJ):- Dalal badan oo Carbeed iyo Kuwa Khaliijka ayaa Ibadan ku taamayey inay maruun ku Guukeystaan Soo saarista iyo samaynta Gawaadhida oo maruun dunida Guudkeeda lagu arko.
Waxaanay dalalka Carbeed marar badan isku ayeen sidii ay ugu Guuleysan lahayeen Samaynta Gawaadhida.
Hadaba isku deygii uu horeeyey iyo dalkii ugu horeeyey dlalka Carbeed ee Bilaaba hindiaha samaynta Gawaadhida ayaa waxa uu ahaa dalka Samar Waqtigii uu dlkaa a talinayey Madaxweynihii la odhan jirey Jamaal Cabdinaasir.hindisihii ugu horeeyeyna Waxa dalka masar laga bilaabay sanadkii 1060-kii,Waxaanay qaadatay in dalka masar ku Guuleysto samaynta Gaadhigii ugu horeeyey ee dalkaasi lagu farsameeyaa toban Sanadood.
Hase ahaatee markii danbe waxa qorshahaasi inuu si buuxda u hana qaado fashiliyey khasaare dhinaca dhaqaalaha kala soo dersay khasaarahaa oo kaga yimi loolan xioogan ay la gashay sirkadda Talyaaniga ee Gawaadhida Samaysa ee Fiyaat .
Inkasta oo shirkadii ugu horeysay ee Gawaadhida ee Masar fashilkaa dhaqaale ku yimi haddana dalalka Carbeed waxa sii wadeen sidii ay uga midho dhlin laaayeen hindiaha inuu hir galo qorshahaa Samaynta Gawaadhida ee Dalalka Carbeed.Shirkadda “LAARAAKI”oo dalka Maroko laga leeyahy oo uu Leeyahay Gaacsade Cabdisalaam Laaraaki oo kaashanaysa shirkad kale oo talyaaniya oo Baabuurta samaysa ayaa waxay samaysay Gaadhi kuwa Ciyaaraha oo aad u quruxbadan ,gaadhigaasi oo ay soo saartey shirkadda Laaraki sanadkii 2008-dii.
Dalka Lubnaan Waxa maalqabeenka la yidhaa Raaif Dabbaas uu soo saareyi Gaadhi yar kaasioo uu ku soo bandhigay Macrad ku yaala dalka Qadar Sanadkii 2013-kii. Gaadhigaasi oo Gebi ahaan farsamayntiisu ay tahay dalka Lubnaan oo aanu dal kale la wadaagin.
Gaadhigaas oo dahaadhkiisu ahaa Almaas kuraasidiisana lagu shaqlay ama lagu dahaadhay Dahab,Gaadhigaasina waxa qiimihiisa lagu biibinayey uu joogay ilaa 2.2(laba dhibic Laba)malyuun oo Giniga istariliiniga ah.
Jaamacadda Boqor Sucuud ee dalka Boqortooyadda Sucuudiga ayaa iyana koox Ardeyda injineeriyadda ah oo ka kooban 55 Ardey waxay ka qayb qaateen Mashruuc soo saarista Gaadiidka ee lagu magacaabo “Qasaal Kow” Gaadhigaasi oo ahaa kii labaad ee ay ka qayb qaadato Jaamacada Boqor Sucuud ee Farsamada.Gaadhigaas oo markii uu soo baxay qiimaha lagu iibinayey ee Macradka uu ku yalay dhamaa 50 Kun oo Riyaalka Sucuudiga.
Dalka Qadar ayaa isna sameeyey isku daygii ugu horeeyey farsamaynta Gawaadhida waxaanuu sameeyey Gaadhi loo bixiyey “ilbiiriya” Gaadhigaasi oo uu farsamayntiisa injineernimo uu sameeyey Ardey injineer ah oo lagu magacaabo Cabdiwahaab Diyaa oo ka tirsanaa Jaamacadda “Tagsis” ee Dalka qadar waxaana farsamayntiisa kala qayb qaatay koox lagu magacaabo”Kooxda Cali Binu Cali” ee dalka Qadar ah kuwaasi oo lahaa hindisaha farsamada mishiinka.
