Xisbiga UCID oo Dhexdhexaad la’aan iyo Xaglin ku eedeeyey Komishanka & Guddiga Anshaxa doorashada DAAWO

Hargeysa 18. July 2017 (SDN/QJ):- Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, ayaa Xisbiga Kulmiye ku eedeeyey inuu weli olole qaawan oo Xukuumaddu ku garab-siinayso ka sii wado gobolka Togdheer oo ay sheegeen in uu fadhiyo Guddoomiye Muuse Biixi iyo Masuuliyiin uu hoggaaminayo oo halkaas ka wada olole lacag badan loogu isticmaalayo Qabaa’ilka Togdheer.

 

Waxay Masuuliyiinta UCID u hadlay sheegeen, in ololaha ay Muuse Biixi iyo Wasiirro Xukuumadda ka tirsani ka wadaan Togdheer, keenay in Dadka qaar lagu qasbayo taageerada Xisbigaas oo Xabsiyada Burco fikirkooda loogu xidhay, waxaanay sidoo kale xaglin ku eedeeyeen Komishanka Qaranka iyo Guddiga anshaxa doorashooyinka.

 

Xoghayaha Golaha dhexe ee Xisbiga UCID Maxamuud Cali Madoobe (Jiir), Xoghayaha Saxaafadda UCID Yuusuf Kayse Cabdillaahi iyo Xubno kale oo UCID ka tirsan oo Shir Jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa Warbaahinta uga warramay arrimahaas, waxaanannu hadalkooda idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan Hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-