Washington 18. September 2017 (SDN/QJ):- Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Mareykanka ayaa mar kale ku celiyey inaanay ka noqonaynin Go’aankoodii ay ku qaadaceen heshiiskii Paris ee isbedelka cimilada ilaa shuruudaha heshiiskaasi wax ka bedel lagu sameeyo.
Aqalka Cadi waxa kale oo uu sheegey inaanay waxba ka jirin hadalo dhawaanahan ka soo yeedhay diblumaasiyiin Mareykan ah oo ay ku sheegeen in Mareykanku wax ka bedelay mowqifkii uu hore uga taagnaa heshiiskii Paris ee isbedelka Cimilada.
Af-hayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa waxay sheegtey inaanay habayaraatee waxba iska bedelin Mowqifki hore ee Washington ee heshiiska Paris ee isbedelka Cimiladda.
Waxaanay intaa raacisay in sidii M/weynaha mareykankuba dhawr goor uga dhawaajiyey inaan Mareyanku mowqifkiisii hore bedelaynin ilaa wax ka bedel lagu sameeyo shuruudaha heshiiska Cimilada ee Paris xanbaarsan yahay.

