|

Qaramada Midoobay oo Gudi Xaqiiqo Raadin ah u diraysa Qaxoonti Lagu Xasuuqay Burundi iyo Jamhuuriyada Dimuquraadiga Koongo

Burundi 18. September 2017 (SDN/QJ):- Qaramada midoobay ayaa soo jeedisay in baadhitaan xaqiiqa raadin ah laga sameeyo dad qaxoontiya oo ka soo jeeda Dalka Burundi oo lagu xasuuqay bariga dalka Jamhuuriyada Dimuqraadiga ee Congo.

 

Nabad ilaaliyayaasha ka socda Qaramada Midoobay ee MONUSCO ayaa waxay sheegeen in Ciidamada Amaanka ee dalkaasi ay toogteen Todoba iyo sodon(37)Qof oo qaxooti ah isla markaana ay dhaawaceen Boqol iyo Todoba iyo Roban(117) Qof oo kale.

ku simaha Afhayeenka Howlgalka Nabad ilaalinta Qaramada midoobay ee dalka Kongo Florence Marchal, ayaa  magaalada Kinshasa waxay baaq uga jeedisay ciidamada Ammaanka dalkaasi inay xaaladda dejiyaan oo  aanay halkaa ka sii durkin.

Wararku waxa kale oo ay sheegayaan in hal askari lagu dilay dhacdadan kadib markii qaxootigu ay isu soo bax ay sameyeen ay kaga soo hor jeedaan afar qof oo reer burundi ah oo Kongo laga mustaafuriyey.

Dhanka kalena, Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda Dimuqraadiga ee Congo ayaa isna sheegay in ciidamada ay qaxootigu shiid iyo dhagxaan kala daaleen.

Boqolaal kun oo reer Burundi ah ayaa dalkooda ka qaxay kadib markii ay dalkaasi Colaadi ka bilaabatay kadib go’aankii ka uu soo baxay  madaxweyne Pierre Nkurunziza ku doonayay inuu xafiiska mar Saddexaad u tartamo.

Comments are closed