Washington 08. October 2017 (SDN/QJ):- Ururka qaranka hubka ee Maraykanka ee NPA ayaa sheegay in ay ku baaqayaan in sharciga cusub oo dheeraad ah laga soo saaro hubka darandooriga u dhaca, ee dhawaan dadka faraha badan ku dilay ninkii Lasvegas toogashada ku fuliyey.
Ururka NPA ayaa war qoraal ah ku sheegay in doodu tahay in sharci laga soo saaro qalabka ogolaanaya in qoriga xabad-kaliyaalaha ahi laga dhigo mid darandoori u dhacaya, balse in hubka dhamaantii la mamnuuco ay tahay meel ka dhac loo geystay distoorka dalka Maraykanka.
Xisbiga Jamhuuriga Maraykanka ayaa sheegay inay ka fikirayaan mamnuucida qalabkaasi, xisbigan ayaa hormuud ka ah in aan hubka la mamnuucin.
Xubnaha sharci dejiyeyaasha maraykanka ayaa qorsheynaya inay dhegaystaan codsi uga yimid sharcinimada qalabkan fududeynaya in qoriga xabad keliyi ka dhacayso in loo badelo qori ay ka dhacayso xabada darandooriga u dhacaysa, Madaxweyne Trump ayaa goor dambe warfidiyeenada u sheegay inay maamulkiisu ka fikirayaan haddiiba ay mamnuucayaan qalabkan iyo haddii kale.

