Khartoum 08. October 2017 (SDN/QJ):- Dawlada Suudaan iyo shacabkeeda ayaa si fiican u soo dhaweeyey cunaqabatayntii saarnayd dalkaasi mudo labaatan sanadood ah oo dawlada maraykanku ka qaaday, iyagoo ku tilmaamay talaabo taariikhi ah oo dhinaca horumarka muujinaysana iyo xidhiidh wanaagsan oo dhexmara labada dal.
Hase ahaatee, wasaarada arimaha dibada ee Suudaan ayaa ku cabatay in aan wali dawlada maraykanku ka saarin dalka Suudaan liiska uu maraykanku u aqoonsan yahay dalalka taageera argagixisada, inkastoo maamulka guriga cadi sheegay in Suudaan horumar ka samaysay ilaalinta xuquuqda Aadamaha iyo xoriyadooda.
Geesta kale, hay’adaha xuquuqda Aadamaha u dooda sida ‘’Amnesty International’’ ayaa ku tilmaamay talaaabda maraykanku qaaday mid lagu deg-degay, iyagoo xusay in ay wali ka jiraan dalka Suudaan xad gudubyo loo geysto dad shicib ah.

