Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Lamaane isqaba oo ku nool dalka Maraykanka ayaa la soo taagay maxkamad, waxayna qirteen inay xadeen ama si khiyaamo ah ku qaateen allaab qiimaheedu dhan yahay $1.2 milyan.
Lammaane lagu magacaabo Joseph Finan iyo Leah Finan ayaa alaabaha ka xaday suuqa weyn ee dhinaca Internetka wax lagu kala iibsado ee Amazon.
Lammaanahan ayaa la sheegay in ay samaysteen boqolaal ciwaan oo been abuur ah, kadibna waxay shabakadda dhinaca iibka ee Amazon ka dalbadeen aalado casri ah iyagoo kolba iska dhigaya qof cusub, kadibna inta ay wacaan qeybta daryeelka macaamiisha ee Amazon ayay u sheegi jireen in alaabtii ay ku soo burburtay boostadii loo soo dhigay, kadibna waxaa Amazon ay markale u direysay alaab kale oo lacag la’aan ah oo tii ay iibsadeen la mid ah si ay u raalli galiyaan macaamiishan oo ay u haysteen kuwo daacad ah.
Waxyaabaha ay xadeen waxaa ka mid ah kaamarado waaweyn oo qaali ah, saacado casri ah iyo qalab kale oo madadaalada loogu talogalay, waxayna kasii iibin jireen shirkad ku taala New York oo aanan magaceeda la shaacin.
Xukunka maxkamadda ayaa lagu ridi doonaa 9-ka bisha November ee innagu soo aaddan, waxaana ay wajihi doonaan xukun adag oo uu ka mid yahay ganaax lacageed oo dhan $500,000 oo ganaax ah iyo 20 sano oo xadhig ah. Iyada oo ay qarka u saaran yihiin in xukunkaasi ku dhaco maadaama lagu caddeeyey oo ay ku caddaatay dambigan ay galeen qareenadooduna ku guul darraysteen in ay dacwaddan ka difaacaan.
Dhirkadda Amazon ayaa ah suuqa ugu weyn adduunka ee alaabaha iyo badeecooyinka kala duwan lagaga kala iibsado dhinaca khadka internet-ka, iyada oo alaabta laguugu keenayo gurigaaga oo aad ka dalbanayso dhinaca internetka. Xatooyadan casriga ah ayaa laga war heley kadib markii ay baadhitaan sameeyeen wakaaladda boostada, booliiska gobolka Indiana iyo laanta cashuuruhu.
https://www.youtube.com/watch?v=ck9EDtFGqKY

