Tanzania 08. October 2017 (SDN/QJ):- Shacabka waddanka Taansaaniya ee qaaradda Afrika ayaa isu soo baxyo ku muujiyey taageerada ay u hayaan madaxweynahooda John Magufuli oo dhawaan hoos u dhigay mar kale mushaharka uu qaato sidoo kalena soo saaray digreeto uu meesha kaga saarayo lacagaha waallida ah ee ay qaataan madaxda kala duwan ee dalkaasi Tanzania min heer Agaasime illaa heer wasiir taasi oo keentay in Madaxweynahani noqdo Madaxweynaha ugu mushahar liita ama ugu mushahar yar ee madaxweynayaasha qaaradda Afrika.
Sida ay ku warramayso shabakadda wararka ee France24, Madaxweyne Magufuli waxa uu noqday madaxweyne dadkiisu jacayl weyn u muujiyeen kadib markii uu doortay in uu dadkiisa la dareen noqdo oo u muujiyo dareen uu kula wadaagayo in lacagtooda loo ilaaliyo dadka madaxda ahna lagu khasbo in ay dadkooda u damqadaan oo aanay lacago badan qaadan si taa baddalkeeda dadka wax loogu qabto oo aanay dadka qaarna u hodmin qaarna sabool u ahaan.
Madaxweynaha Tanzania John Magufuli ayaa noqday Madaxweynihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah oo si furan u soo bandhigay Mushaharka uu qaato bil walba. Madaxweyne John Magufuli ayaa sheegay inuu bil kasta mushahar ahaan u qaato 9 million oo Shillinka Tanzania ah, oo u dhiganta afar kun oo Dollar ($4,000).
John Magufuli oo la hadlay Saraakiisha Dowladda waxa uu shaaciyey inuu dhimayo mushaharka Madaxda Fulinta ee shirkadaha ay Dowladda leedahay, kuwaasoo mushahar ahaan bishii u qaadan jirey lacag dhan 15 million oo Shillinka Tanzania ah oo u dhiganta lix kun iyo todoba boqol oo Dollar ($6,700), waana mushahar ka badan midka uu isagu qaato.
“Haddii aanay rabin mushaarka laga dhimay wey iska tegi karaan, Ma awoodo inaan lacag badan mushahar ku bixino iyadoo Muwaadiniin badani aanay haysanin Adeegyada Biyaha, Adeegga Caafimaadka” ayuu yidhi Madaxweynuhu. Waxa uu intaasi ku daray inuu ku gacan-saydhay codsiyo ay qaar ka mid ah Saraakiisha ku doonayeen in loo kordhiyo mushaharka.
John Magufuli waxa uu xilkaasi la wareegay bishii November ee sannadkii 2015-ki, waxaa uu jaray Kharajkii Dowladda iyo safarka ay Saraakiisha Dowladda ugu dhoofaan dalalka kale.
Madaxweynaha Tanzania ayaa noqonaya Madaxweynaha ugu mushaharka yar madaxweynayaasha qaaradda Afrika, waana Hoggaamiye aan lahayn wax Shirkado ama Ilo kale oo Ganacsi oo dhaqaale uu ka soo galo, waxaana xusid mudan in madaxweynaha afrika ugu mushaharka badani uu yahay Jacob Zuma oo ah Madaxweynaha Koonfur Afrika oo bil walba qaata lacag gaadheysa 20,000 kun oo Dollarka Maraykanka ah lacag u dhiganta. Madaxda Afrika oo lagu yaqaano musuqmaasuq iyo in ay dalalkooda ka hodmaan ayuu Madaxweyne Magufuli u muuqdaa nin tusaale u noqon kara jiilka dambe ee madaxda qaaradda ka noqon doona si ay u noqdaan kuwo dadkooda u damqada oo aan lacago uun ka urursan.

