Hargaysa 08. October 2017 (SDN/QJ):- Telefeshinka Eryal, ayaa baahiyey in magaalooyinka Hargeysa iyo Burco si weyn looga dareemayo loollan adag iyo hirdan ka dhexeeya Masuuliyiin Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda talada haysa ka tirsan, kuwaas oo ku hirdamaya Guddoomiyennimada Xisbiga Kulmiye oo ay doonayaan xubno dhawr ahi inuu Guddoomiyaha wakhtigan ahna Musharraxa Madaxweynaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi doorashada ka hor ku wareejiyo.
Xubnaha TV-ga Eryal shaaciyey inay hunguraynayaan jagadaas ama ay ku loollamayaan, ayaa kala ah; Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi, Maxamed Kaahin Axmed oo ah Guddoomiye Ku-xigeenka Kulmiye ee wakhtigan iyo weliba Wasiiru-dawlihii hore ee Wasaaradda Duulista Axmed Nuur Faahiye oo uu TV-gu sheegay inuu dhawaan shaaciyey inuu u tartamaya ama u taagan yahay Kursiga Guddoomiyaha Kulmiye.
Eryal TV oo Warbixinta uu sii daayey sii watay, ayaa sheegay inkastoo aanu Musharrax Muuse Biixi Cabdi weli caddaynin cidda uu ku wareejinayo Kursiga Guddoomiyaha Kulmiye, haddana ay Dadka aqoonta u leh arrimaha siyaasadda ay tilmaamayaan inaanu Kulmiye sidaa doorasho ku geli karin, haddii aanu xilka Guddoomiyennimada Xisbiga caddaynin cidda uu ku wareejinayo ama siiba wareejin doorashada ka hor, isla markaana uu maare u helo Kursigiisa loollanku ka taagan yahay ama la isku hayo, sidoo kalena haddii aanu ciddaas caddayn ay dhabar-jab ku noqon doonto guusha uu Kulmiye doonayo inuu doorashada Madaxtooyada ka soo hooyo, sida uu TV-ga Eryal oo aannu warkan ka soo xigannay Baahiyey xalay.
Waxa kale oo Warbixintiisa TV-gu ku sheegay in magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer ay ku sugan yihiin wakhtigan Odayaal iyo Salaaddiin ka soo jeeda deegaannada Musharrax Muuse Biixi Cabdi, kuwaas oo uu sheegay TV-gu inay kulammo la yeesheen Odayaasha iyo Madax-dhaqameedka Beelaha Bariga Burco, oo ay ka taageero uga doonayeen Musharrax Muuse si ay ugu codeeyaan doorashada Madaxtooyada ee u muddaysan 13-ka bisha 11-aad ee sannadkan 2017-ka. Hase-yeeshee, waxa uu TV-gu sheegay in Odayaasha Bariga Burco hor-dhigeen Odayaasha dhaqanka ee Beelaha Muuse Biixi ka socday Shuruud ah; in Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye loo Cumaamado Wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi.
Geesta kale, waxa uu Eryal TV isla Warbixintiisan uu baahiyey ku sheegay in Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabbeeye, Bartiisa Facebook ku qoray Qoraal uu ku sheegay haddii aan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye lagu wareejin Maxamuud Xaashi Cabdi ay tahay dhabarjabka ugu weyn ee Xisbiga Kulmiye kala kulmayo doorashada, waxaanu intaas raaciyey in deegaannada uu Agaasime ahaan ka soo jeedo ee Hargeysa iyo Koonfurteedu taageersan yihiin in Wasiir Maxamuud Xaashi in lagu wareejiyo Xisbiga Kulmiye. Waxaanu Eryal TV oo Warbixintiisa sii waday intaas ku ladhay in Hadalka Agaasime Dhabbeeye abuuray khilaaf ka dhex-dhasha Odayaasha deegaankiisa iyo Xisbiga Kulmiye, isla markaana illaa habeen-hore lagu mashquulsanaa sidii hadalka Dhabbeeye loo khafiifin lahaa, xaalna looga bixin lahaa dhawaaqiisa.
Warbixintan TV-ga Eryal Baahiyey, ayaa lagu soo gebo-gabeeyey, in Xaaladda Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye wakhtigan ka dhigan tahay Maskii Qorratada Qaniinay ee Hadduu Liqana ku dhimanayey, hadduu Tufana ku Indho-beelayey, sida uu Warbixintintiisan ku faafiyey Telefeshinka Eryal, taas oo uu Akhriyayey Weriye Sakariye Sudaysi.

