Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay oo soo jeediyey in Gurmad aadmi-nimo la Gaadhsiiyo Jasiirado ku yaal badweynta Atlantiga oo Duufaano is xig xigaa Ku dhufteen

New York 09. October 2017 (SDN/QJ):- Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Mr: Anteeniyo Guteeras ayaa bulshada caalamka ugu baaqay in ay gargaar iyo taakulayn dheeraad ah u diraan Gasiiradaha Karibiyaanka ee ku yaala Badd weynta Atlaantiga, kuwaas oo burbur balaadhan kalo kulmay duufaano isdabajooga oo halkaasi ka dhacay.

Mr: Guteeras waxa uu intaasi ku daray in duufaanadan dhacaya ay sabab u tahay cimilada aduunka ee isbedelaysaa, taas oo loo baahan yahay in mowqif midaysan laga yeesho sidii lo yarayn lahaa kulayka badan ee hawada sare lagu sii daynayo.

 

Geesta kale, duufaano xawli ku socda ayaa ku dilay dalalka laatiin Ameerika ilaa labaatan qof, taas oo ku waajahan xeebta bari ee dalka maraykanka gaar ahaan magaalada New- Orliinis oo duufaantii Katariina toban sano ka hor saamayn xoogan u geysatay.