Sanca 09. October 2017 (SDN/QJ):- Wararka ka soo baxaya dalka Yaman ayaa sheegaya in shan qof oo la socda Baabuur ay ku dishay diyaarad aan duuliye lahayn deegaanka Ragwaan ee gobolka Ma’rib ee dalkaasi, kuwaas oo lagu sheegay in ay ka tirsanaayeen mitidiinta Al-qaacida.
Diyaaradan weerarka fuliysay ayaa laga lahaa dalka maraykanka, iyadoo ay jirto in maraykanku ay ugaadhsadaan mitidiinta Islaamiga ee ku sugan dalka Yaman, taas oo ay bilaabeen hawl galkooda waqtigii dalkaasi uu ka talinayey madaxweynihii hore Cali Cabdala Saalax.
Hase ahaatee, dalka Yaman ayuu ka socdaa dagaal sokeeye oo geystay burbur iyo barokac xoogan oon ilaa waqtigan aan xal laga gaadhin sidii loo soo afjari lahaa.

