Qoomiyada Oromada oo Kililka Soomaalida ka Jartay Laydhka Tamarta ah ee Dhankooda uga Yimaada,Soomaalida Itoobiya oo Koronto La’aani la soo Deristay & Xalka oo Faraha ka sii Baxaya!!

Jig Jiga 09. October 2017 (SDN/QJ):- Ismaamulka Kililka Afaraad ee Qoomiyada Oromada Itoobiya ayaa Gebi ahaanba Waxay Jareen Laydhka Korontada Dabiicaga ah oo soo Mara Kililkooda una soo Gudba dhanka Kililka Shanaad ee Soomaalida Itoobiya Kadib Markii Madaxweyne Cabdi Maxamud Cumar uu Joojiyey guud ahaanba Qaadkii iyo Khudradii laga keeni Jiray Dhulka Oromada ee loo iibgayn Jiray deegaanada Somalida Itoobiya,Somaliland iyo meelo ka mid ah Somalia.

Sida ay Wararku sheegayaan waxaa gebi ahaanba dhulka is maamulka soomaalida itoobiya ka taagan xaalad koronto la’aaneed waxaa kale oo arrintani ay saamayn ku yeelatay wershadihii,goobihii ganacsi iyo xarumihii maamulka oo aan haysan adeeg koronto oo ay ku shaqeeyaan.

 

Xukuumadda dhexe ee Federaalka Itoobiya ayaa loo arkaa mid isku soofaynaysa Qoomiyadaha Oromada Iyo Somalida Kadib markii ay dad cadhaysan oo oromo ahi ay bishii tagtay ee September ku dileen tiro ku dhow konton qof oo ahaa ganacsatada qaadka ee Magaaladda Haawaday iyagoo ka gadoodsan dhawr qof oo Oromo ah oo Ciidanka Liyuu Booliska ee Kililka Shanaad ku dileen deegaan ay lahaanshihiisa ku Muransan yihiin Soomaalida Iyo Oromadu.

Sidoo kale Waxaan Muuqan Xal isu soo dhawayn kara labada Maamul iyadoo dadka ka Saadaaliya Xaalada Geeska Africa ay ku doodayaan in sii Socoshada Khilaafka labadan Maamul goboleed ay Saamayn culus ku yeelan doonto Xasiloonida guud ee Dalka Itoobiya  maadaama Qoomiyada oromadu tahay ta ugu badan ee qoomiyadaha Itoobiya Waxaa kale oo ay afka ciida u dari doonto dhaqaalaha waddanka Itoobiya oo Ku tiirsan Khayraadka ka soo baxa Kililka ay degaan Qoomiyada Oromada Sida Bunka ,Khudrada Iyo Jaadka waxaa kale oo xaaladan sii hurinaya Warbaahinta labada kilil oo si cad isugu adeegsanayaa hadalo qalqalafsan oo midba midka kale uu mas’uuliyada eedan dusha uga saarayo.

Deegaannada Oromada iyo Soomaalida ayaa dhul ahaan ah kuwa ugu weyn dalka Itoobiya, waxaana ay wadaagaan soohdin gaaraysa 1,400 km.

Labadan qowmiyadood ayaa inta badan ku dagaallama dhulka iyo kheyraadkiisa, gaar ahaan dhulka ay xoolohu daaqaan.

Sanadkii 2004, afti laga qaaday 420 tuulo ama waxa Itoobiya looga yaqaan qabele oo lagu muransanaa, ayaa boqolkiiba 80 loo go’aamiyay in ay ka tirsan yihiin gobolka Oromiya.

Arintaasi ayaa dhalisay in kumannaan Soomaali ah ay ka barakacaan tuulooyinkaasi, iyagoo ka cabsanaya inay dhibaato uga timaado Oromada.

Go’aankaasi ayaan weli la hirgelin, waxaana la sheegayaa inay qeyb ka tahay Xiisada Colaadeed ee raadkeedu muuqdo.

Bilihii February iyo March ee sanadkan boqolaal qof oo Oromo ah ayaa la sheegay in lagu dilay magaalada Negele, waxaana maamulka Oromiya uu falkaasi ku eedeeyay ciidamada Liyu boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Haseyeeshee maamulka Jigjiga ayaa beeniyay eedeymahaasi, waxaana uu ku tilmaamay maamulka Oromiya mid xidhiidh la leh jabhadda Oromo Liberation Front ee ay dowladda Itoobiya u aqoonsan tahay argagixiso.