Addis Ababa 09. October 2017 (SDN/QJ):- Doraad ayay ahayd Markii Guddoomiyhii Golaha Aqalka Wakiillada ee Baarlamaanka Federaalka Itoobiya Abadula Gemeda uu si rasmi ah u shaaciyey inuu iska casilay Xilkaas, ka dib markii uu ka cadhooday sida ay dawladda dhexe ee Itoobiya uga jawaabtay Codaaladdii dhawaan dhex-martay Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada Itoobiya markii ay Oromadu dileen 43 Ruux oo Soomaali ah, sida ay Baahiyeen qaar ka tirsan Warbaahinta Itoobiya.
Waxay Warbaahinta kala duwan ee Warkan baahisay intaas ku dartay oo ay sheegtay in Xogo lagu kalsoon yahay oo laga helay sababta uu isu casilay Abadula Gemeda ay la xidhiidho dhibaatada ka dhex taagan Ismaamullada Killalada Soomaalida iyo Oromada, gaar ahaan qaabka ay dawladda dhexe uga jawaabtay dilkii ay Oromadu u geysteen Soomaalida, oo ay Warbaahinta Oromadu ku eedaysay inay Ciidammada Federaalku dhirbaaxo kulul ku dhufteen Oromada.
Geesta kale Waxaa Maanta fadhi wada Jir ah leh labada aqal ee baarlamaanka Federaalka Itoobiya waxaana fadhigaasi furaya Raysal wasaaraha Itoobiya isla markaana la rajaynayo inuu ka hadlo dhacdooyinka Iyo Xiisada adag ee ka dhex taagan labada Kilil ee Soomaalida Iyo Oromada Itoobiya.
https://www.youtube.com/watch?v=293kfaoSPwk

