Komiishanka Doorashooyinka Somaliland oo Shaaciyey Liiska Kama Danbaysta ah ee Codbixiyeyaasha Doorashooyinka Somaliland Iyo Sida ay Gobolada Iyo Degmooyinka Dalku u Kala Bateen DAAWO

Hargaysa 10. October 2017 (SDN/QJ):- Guddida doorashooyinka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay Liiska kama danbaysta ah ee tirada dadka qaatay kaadhka cod-bixinta doorashooyinka soo socda, iyagoo sheegay inay qaateen 704,089 oo cod bixiye, kuwaasi oo ka codayn doona 1642 goobood oo ku yaalla 21 degmo doorasho.

Kulan Maanta ka qabsoomay xarunta Guddida Doorashadda isla Markaana ay ka qayb galeen Xubnaha Komiishanka Doorashooyinka, Wakiiladda Sadexda Xisbi qaran,Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Iyo Mas’uuliyiin kale.

Komisheneer Cabdifataax Ibraahin oo ka hadlay Madashaasi ayaa Ku dhawaaqay Liiska kama danbaysta ah ee Codbixiyeyaasha doorashooyinka Somaliland.