Nairobi 10. October 2017 (SDN/QJ):-Hoggaamiyaha mucaaradka ee Kenya Raila Odinga ayaa daboolka ka qaaday in Isaga Iyo Ku Xigeenkiisii Kalonzo Musioka ay ka hadheen tartanka doorashada ee la qaban lahaa dhammaadkan bishan aynu ku Jirno ee October.
Raila Odinga Wuxuu sheegay in dalabkoodii ahaa in Guddida doorashada la bedelo aan wax laga qaban kadib go’aankii maxkamadda ee ay ku laashay doorashadii bishii August,Waxaanu Xusay in doorashada ku celinta ah loo maro hannaanka ay Maxkamada Sare amartay Isla markaana uu Distoorka Kenya Cadaynayo.
Raila Odinga Waxa uu ku dooday in Doorashada Ku Celinta ah ee Xisbiga Madaxweyne kenyata Hogaamiyo Sababta uu u aqbalay ay tahay Mid uu og yahay inuu ku guulaysanayo.
Hoggaamiyayaasha mucaaradku waxay ku sheegeen in Guddida doorashadu ay si ula Kac ah uga Hor timid isbedel muhiim ah si loo xaqiijiyo in doorashada ku mudaysan 26-ka bishan ay u noqoto mid xor ah oo xalaal ah.
Mucaaridku Waxay guddiga Doorashada ku eedeeyeen inay Yihiin meel uu maamulo xisbiga talada haya ee Jubilee.
Hogaanka Mucaaridka Kenya Waxay ku baaqeen in Gebi ahaanba la Joojiyo hannaanka qabashada doorashada ku celis ah,Isla markaana la Bilaabo nidaam Cusub oo Doorashada lagu qabto Iyagoo Sheegay in Isbedelku uu yahay mid wax looga qabanayo Khaladaadkii ku yimid doorashadii 8-dii Bishii August dhacday si aanay Mar kale Doorashada soo Socota Loogu shuban.
Mucaaridka Dalka Kenya Waxay ku dhawaaqeen dibadbax ballaadhan oo beri oo arbaca ah ka dhici doona Guud ahaan dalka Kenya iyagoo Dibad baxayaashu dalbanaya in Isbedel buuxa lagu sameeyo Hanaanka doorashada iyo Guddida doorashada oo ay dhinac u arkaan.
Guddiga doorashada ee Kenya IEBC ayaa kullan degdeg ah yeelanaya ka dib markii Raila uu ku dhawaaqay in tartanka uu ka hadhay.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo olole siyaasadeed ku jira ayaa sheegay inuu Kalsooni ku qabo inuu Mar kale ku Guulaysanayo Doorashada Madaxtooyo ee lagu celinayo isla markaana uu helayo Codad ka badan kuwii uu ka helay doorashadii 8 Bishii August dhacday.
