Moscow 11. October 2017 (SDN/QJ):- Ra’isal wasaaraha Dalka Ruushka Dmitry Medvedev ayaa lagu wadaa inuu todobaadan socdaal ku tago dalka Jasaa’ir isaga oo inta uu halkaa joogo wada hadal ku saabsan xidhiidhka iyo cilaaqaadka labada dal la yeelan doonaa Madaxda dalkaasi heshiisya Cusub-na ay u kala saxeexan lahayeen.
Ra’isal wasaare Dmitry Medvedev ayaa wareysi uu siiyay wakaaladda Wararka ee dalka Jasaa’ir ee A.P.S oo laga baahiyey shabakada la yidhaa Ruushiyada maanta, ayaa waxa uu ku sheegey in dalka Jasaa’ir uu yahay saaxiib istiraatiiji u ah dalka Ruushku ka leeyahay woqooyiga Afrika iyo xidhiidhka dhinaca ganacsiga oo sannadkii la soo dhaafay sii laban laabmay.
Waxanu Ra’isal Wasaare Dmitry Medvedev ka dhawaajiyey inay isla gorfeyn doonaan madaxda dalkaasi qorsha sidii loo kala saxeexan lahaa heshiisyo dhinacyada ganacsiga iyo xoojinta dhaqaalaha labada dal ku qotoma, iyada oo uu intaa raaciyey in is dhaafsiga ganacsi ee labada dal oo gaadhay sanadkii 2016-kii heer ku dhaw ilaa Afar milyaar oo Doollar, loona baahan yahay in la sii ballaadhiyo.

