Ankara 11. October 2017 (SDN/QJ):- Madaxweynaha Turkiga Mr: Rajab Dayib Ordugan ayaa uga bilaabantay laba cisho oo booqasho rasmi ahi dalka Serbiya, iyadoo madaxweynaha dalkaasi Mr: Aleksandar Fisiga si fiican ugu soo dhaweeyey caasimada dalkaasi ee Belgiraydh.
Madaxweynaha Turkiga waxa booqashadiisa Belgiraydh ku waheliya ilaa sideed wasiir iyo laba boqol oo ganacsadayaal ah, taas oo labada masuul heshiisyo dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga ah ay qalinka ku duugi doonaan oo lagu qiimaynayo bilyanaad Doolarka.
Geesta kale, madaxweynaha Turkiga ayey u qorshaysan tahay in uu soo booqdo Taalo caan ah oo dawladii Cumaaniyadu ka dhistay Belgiraydh iyo magaalada Noofi Basaar oo ay ku nool yihiin muslimiin badan.

