Dalalka Turkiga iyo Maraykanka ayaa mid waliba dhinaciisa yareeyey dal ku gallidii ay muwaadiinta kala sii jireen ka dib markii Mareykanku soo saarey qaraar uu ku yaraynayo dal ku galada ay bixin jireen ee  Turkiga!!

Washington 11. October 2017 (SDN/QJ):- Safaaradda Turkiga ee magaalada Washington ayaa waxay sheegtay inay u baahan-tahay in ay dib u qiimayn ku sameyso sida ay dawladda Maraykanka uga go’an tahay ammaanka shaqaalaha Qunsuliyadda Turkiga iyo hawlahooda.

Arrintan ayaa ku soo beegantay iyadoo la qabtay qof ka shaqaynayay qunsuliyadda Maraykanka ee magaalada Istanbul, kaasoo lagu tuhunsan yahay inuu xidhiidh la lahaa wadaadka lagu eedeeyay inuu ka danbeeyey afgambigii dhicisoobay ee Turkiga ka dhacay sannadkii la soo dhaafay ee Fatxulaah Gulen.